Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo qarxiyay booyaddii loogu dhaamin jiray ciidamada dowladda ee ku sugan Jannaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino lagula beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degaanka Jannaale.

Kolonyada ciidan oo sida la sheegay maraysay nawaaxiga degaanka Jannaale ayaa la kulmay qarax miino oo malayshiyaadka Al-shabaab ay halkaasi ku sii aaseen kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qaraxa miino ay gebi ahaanba ku gubatay booyaddii biyaha u dhaamin jirtay ciidamada Militariga Soomaaliya ee ku sugan saldhiga degaanka Jannaale halkaas oo ay dhowaan la wareegeen.

Sidoo kale Al-shabaab oo sheegatay qaraxaas ayaa xaqiijisay in ay gubtay booyaddii loogu dhaamin jiray ciidanka islamarkaana ay askar ku dishay qaraxa inkastoo aysan jirin cid xaqiijin kartaa dhimashada askartaas.

Dhinaca kale Taliska Militariga dowladda Federaalka weli kama hadlin qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay mid koodna.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo qarxiyay booyaddii loogu dhaamin jiray ciidamada dowladda ee ku sugan Jannaale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this