Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya: Ajnabi ku sugan Muqdisho oo laga helay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qofkii saddexaad oo Muqdisho ku sugan laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, oo warbaahinta dowladda la hadashay, ayaa shaacisay in qofkaas uu yahay qof ajnabi ah oo la shaqeeyaa xafiiska QM ee Soomaaliya.

Sidoo kale, war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska QM ee UNSOM ayaa lagu sheegay in qof u shaqeeyaa shirkad qandaraas kula jirta UNSOM laga helay COVID-19.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay xaqiijisay in kiiskii labaad ee Coronavirus ah ee gudaha Soomaaliya laga helay qof ku sugan magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka ayaa shaacisay in qofka labaad ee laga helay xanuunka Coronavirus uu yahay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, kaasi oo ka mid ah dad ay karantiileysay dowladda.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya: Ajnabi ku sugan Muqdisho oo laga helay Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this