Deeq A. Posted March 27, 2020 Jowhar (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa soo dhaweeyay guusha laga gaarey barnaamijka deyn cafinta. Waare oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay in talaabadaas ay fursad muhiim u tahay qaranka. Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in aan siyaasadeyn deyn-cafinta oo uu tibaaxay in ay Soomaali oo dhan ka faa’iidi doonto. Xukuumadda dhexe ayuu soo jeediyey in lagala shaqeeyo siddii ay uga mira-dhalin lahayd dedaaladeeda deyn-cafinta. Ugu dambeyntii, madaxweyne Waare ayaa rajo fiican wuxuu ka muujiyey in mustaqbalka dhow deymaha laga dhaafo dalka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites