Deeq A. Posted March 25, 2020 Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) ayaa lagu soo warramayaa inuu ugu dambeyn aqbalay in uu la kulmo madaxweynaha cusub ee maamulkaasi, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Arrintaan ayaa ku timid, kadib dadaallo ay sameeyeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug oo Xaaf ka dalbaday inuu u tanaasulo dadkiisa. Sidoo kale madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galoi xafladda caleema saarka ee Qoor-Qoor, kadib markii uu hoygiisa Gaalkacyo ku booqday guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada munaasabadaasi, Yuusuf Garaad. Galmudug oo marxalado kala duwan soo martay ayaa hadda yeelatay weji cusub, kadib markii laga adkaaday ururka Ahlu Sunna oo ku xooganaa deegaanada maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites