Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: XF oo la wareegtay qalab lagu baaro Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa xalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dagtay diyaarad ka timid wadanka Shiinaha, taas oo siday agab caafimaad oo loo qorsheeyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay uga hortagto cudurka Corona.

Goobta lagu soo bandhigay qalabkaan oo ah garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka iyo safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya, Mr Qin Jian.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Caciid Cabdullaahi  ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya kala wareegay agabkaan oo qeyb ka qaadana ka hortagga COVID-19.

Dhankiisa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian ayaa caddeeyey in dowladdiisa ay ka go’an tahay garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in Soomaalita ay ka caawin doonaan la dagaalankan cudurkaan oo fara ba’an ku haya dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

vlcsnap-2020-03-25-08h11m48s248-696x392 90560552_664699387599809_7456279314250596352_n 90609565_2881752545250163_6918679580660203520_n 90879419_2768260173264648_8159465082372227072_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this