Sign in to follow this  
Deeq A.

Hindiya: In Ka Badan 1 Bilyan Oo Qof Oo Bandow La Geliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Delhi)-Dowlada Hindiya ayaa Salaasada shalay qaadatay tallaabadi ugu adkeyd ee uu dal kula tacaalo cudur-sidaha Corono, kaddib marki ay bandoow gelisay dhammaan waddanka, kaasoo ku qasbaya in ka badan 1 bilyan iyo saddex boqol oo milyan oo qof in ay guryahooda joogaan muddo 21 maalin ah.

Go’aankan oo uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa dhaqan galay xalay saqdi dhexe xilliga Hindiya, waxaanu ugu baaqay shacabka in ayna argagixin.

Dukaamada lagu iibiyo cuntada ayaa safaf dhaadheer loogu jiray guud ahaan wadanka, ka hor inta aan bandowga dhaqangalin. In ka badan 500 oo kiis oo coronovirus ah ayaa laga diiwaangeliyay Hindiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this