Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka laabatay go’aankii ay ku xirtay masaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – War ka soo baxay wasaaradda cadaalada maamulka  Puntland ayaa lagu sheegay inay khafiifisay amaradii horay uga soo baxay ee ku aadan in la xiro dhammaan  maasliyada iyo dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in arrintaan ay wadatashiyo kala sameysay Culimada iyo qeybahabulshada, islamarkaana ay dib u eegis ku sameysay go’aankii hore, kadib talooyin ka yimid Culimada, Macalimiinta iyo mu’adimiinta.

Wasaaradda ayaa shaacisay in dhinacyadaasi ay isku raaceen in aan la xirin masaajidda balse laga shaqeeyo nadaafadda goobahaasi, si looga hortgago Coronavirus.

Sidoo kale wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in la’isla gartay in gabi ahaan la xiro Musqulaha iyo meelaha lagu weesaysto, si loo ilaaliyo nadaafadda guud.

Puntland ayaa horay u soo saartay amaro lagu xirayo dhamaan goobaha waxbarashada iyo meelaha isu imaatinka dadka, si loo xakameeyo faafitaanka COVID19.

Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in hal kiis oo ka mid ah xanuunkaan laga helay magaalada Muqdisho, gaar ahaan muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibaddiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this