Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidan Soomaali ah oo ay galbinayaan Itoobiyaan oo soo galay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad loo hadal haayay in ciidamo Itoobiyahaan ah ay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya islamarkaana ay soo gaareen gobalka Gedo.

Warar horu dhac ah oo laga helay ciidanka soo gaaray Gedo ayaa sheegaysa in ciidankaasi ay u badan yihiin ciidan Soomaali ah oo dhowaan tababar soo qaatay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidankaan ay yihiin dhalinyaro sanadkii hore loo qaaday dalka Eritrea islamarkaana ay hada soo dhameesteen tababarkìi waxaana lagu soo dhax daray askar Itoobiyaan ah.

Sababta ay ciidanka Itoobiya usoo raaceen ayaa lagu sheegay in ciidankaasi ay wataan hub culus oo ay mamnuuc tahay in Soomaaliya soo iibsato ama loogu deeqo maadaama ay saaran tahay cunaqabatayn dhanka hubka ah.

Ciidamada ayaa qaarkood Gedo ku soo bandhigay hubka ay dalka la soo galeen oo ah lidka diyaaradaha. Sidoo kale xogta ayaa sheegeysa in ciidankaan iyo kuwa Itoobiya ay u ruqaansan doonaan gobalka Jubada Dhexe oo ay si buuxda umaamulaan Al-Shabaab.

Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin ciidanka ajnabiga ah ee dalka soo galay iyo wararka sheegayo in ciidamo Soomaali ah qeyb ka yihiin ciidankaas ka soo gudbay xaduuda Itoobiya ee Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this