Sign in to follow this  
Deeq A.

Webi qof ahaan loo aqoonsaday oo maxkamad kula tiigsan kara

Recommended Posts

Deeq A.   

Webi qof ahaan loo aqoonsaday oo maxkamad kula tiigsan kara

.Webiga Whanganui oo mara bartamaha Jasiiradda Waqooyi ee dalka New Zealand

Sanadkii 2017, New Zealand ayaa qof ahaan u aqoonsatay Webiga Whanganui. Wixii intaas ka dambeeyayna, dalal kale ayaa raacay tallaabadaas si loo ilaaliyo deegaanka.

Webiga Whanganui oo mara bartamaha Jasiiradda Waqooyi ee New Zealand, waa mid ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee ugu muhiimsan dalkaas.

Webigan oo dhirirkiisu yahay ilaa 290km ayaa kasoo billowda dhanka waqooyi-galbeed ee Buurta Tongariro, isagoo dhex jibaaxa buuro cagaaran ilaa uu kaga darsamo Badda Tasman.

Webigan oo ay muddo qarniyo ah ilaalinayeen Qabaa`illada Whanganui – oo la baxay magaca webiga ay ku ag nool yihiin – ayaa noqday webigii ugu horreeyay dunida ee loo aqoonsado qof ahaan, amala siiyo xuquuqda dadka mid la mid ah, sanadkii 2017-kii, wuxuuna soo afjaray mid ka mid ah kiisas maxkamadeedkii ugu dheeraa New Zealand.

Maori, oo ah qowmiyad muddo degganeyd New Zealand, ayaa in ka badan 160 sano u dagaallamaysay inay helaan ilaalin sharci ah oo ku aaddan webiga.

Qomwiyadaha Whanganui ayaa ugu yaraan 880 sano ku tiirsanaa webiga – kahor inta aysan halkaasi degin dadka Yurub u dhashay. Waxay ugu tiirsanaayeen dhanka cuntada, iyagoo ku safri jiray isla markaana qararkiisa ka dhistay guryo.

.

Sida uu qabo dhaqanka Maori, tupuna, amaba “dadka laga soo faracmay”, waxay ku nool yihiin dunida dabiiciga ah, waxaana qowmiyadda uu waajib ka saaran yahay inay ilaaliyaan dhulka ay ka dhaxleen kuwii ka horreeyay.

Banii`aadamka iyo biyaha ayaa la rumeysan yahay inay mataano yihiin – Maahmaah ayaana oraneysa, “Waxaan ahay webiga, webiguna waa aniga”.

In webiga loo aqoonsado qof waxay ka dhigan tahay in haddii waxyeello la gaarsiiyo ay la mid tahay iyadoo waxyeello la gaarsiiyay qabiilka. Haddii lagu xagdugbo sida in qashin lagu shubo amaba waxyaabo aan amar loo haysan lagu sameeyo, wuxuu webigu xaq u leeyahay inuu dacwoodo.

Waxay sidoo kale ka dhigan tahay inuu hanti yeelan karo, qandaraasyo saxiixi karo sidoo kalena isaga la dacweyn karo.

.

Qofnimada deegaameed ayaa lagu sheegay inay ahayd hab loo ilaaliyo kheyraadka dabiiciga ah tan iyo sanadihii 1970-meeyadii.

Webiga Whanganui ma aha kheyraadka dabiiciga ee keliya ee qofnimada looga aqoonsaday New Zealand. Sanadkii 2014-kii, beerta lagu nasto ee Te Urewera, oo hoy u ah dadka Tuhoe, ayaa noqotay tii ugu horreysay ee dalkaasi looga aqoonsado qof ahaan.

Sanadkii 2018-kii, Buurta Taranaki – oo jirta 120,000 oo sano ayna ilaashadaan Maori – ayaa sidaas oo kale loo aqoonsaday.

Balse Webiga Whanganui ayaa noqday kii ugu saameynta badnaa: kaddib go`aankaas sanadkii 2017-kii, webiyada Ganges iyo Yamuna ee dalka Hindiya iyo dhammaan webiyada ku yaalla Bangladesh ayaa sidoo kale helay xuquuq sharci ah – inkastoo, dalka Hindiya, go`aanka markii dambe laga laabtay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this