Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsad Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Cape Town)-Koox Budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen nin Soomaali ah oo kamid ahaa Ganacsatada ku nool halkaas.

Allaha u naxariistee ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Xuseen Cmar Aadan, waxaana dilkiisa uu ka dhacay afaafka hore ee goob ganacsi oo uu ku lahaa Xaafadda krafooniten Magalada Cape-Town.

Ragii hubeysnaa ee Budhcada ahaa ayaa Goobta ka baxsaday falka dib, waxaana durbo halkaas tegay Muwaadiniin Soomaali ah oo goobta ka Agdhawaa, iyagoona ka qaaday Meydka Marxuumka.

Mid kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Cabdifitaax uu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee ku noolaa Xaafadda krafooniten Magalada Cape-Town, isagoona ku lahaa goob ganacsi.

hah.png

Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal loo geysto dadka Soomaalida ah ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas, iyadoona sanadkaan 2020 Koonfur Afrika lagu dilay Soomaali dhowr ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this