Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Ku Gacan-Saydhay Cadaadiska Mareykanka Ee Biyo-Xidheenkeeda Webiga Nile +Iyo Xiisadda U Dhaxaysa Masar Oo Xooggaystay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Itoobiya ayaa diiday cadaadiska Mareykanka ee ah inay dalalka Masar iyo Sudan heshiis kala gaadho biyo-xidheenkeeda muranka dhaliyey ee ay ka sameyneyso webiga Nile, waxaa sidaas sheegay wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya.

Wareysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa Gedu Andargachew waxa uu ku sheegay in saddexda dal looga baahan yahay inay khilaafkooda xaliyaan, ayada oo ayna soo faro-gelin cadaadisyo dibedda ah.

“Wada-hadalladii lagu qabtay Wahsington DC badhtamihii February, waxaa nalagu cadaadiyey inaan deg deg heshiis u saxeexno, ka hor inta aan la xalin arrimaha taagan,” ayuu yidhi Gedu, oo intaas ku daray in wafdigiisa ay saraakiisha Mareykanka u sheegeen in ayna heshiis ku saxeexayn cadaadiska noocaas ah.

“Kadib saraakiisha Mareykanka waxay diyaariyeen oo ay noo soo direen heshiis, kaasi oo sidoo kale aan diidnay sababtoo ah Mareykanka wuxuu lahaa kaalin kor joogto oo kali ah,” ayuu yidhi.

“Waxaan aaminsannahay in heshiis kasta oo la gaadho ayada oo cadaadis uu jiro aanu dan ugu jirin dhinac kasta oo qeyb ka ah wada-hadallada.”

Waxaa sii xooggeysanaya xiisadda iyo is-marin waaga Itoobiya iyo Masar, oo salka ku haysa biyo-xidheenka dib-u-curashada weyn ee Itoobiya ee GERD, oo ay ku kaceyso lacag dhan 4.6 bilyan oo dollar, kaasi oo Itoobiya ay ku dhiseyso webiga Nile.

maxresdefault-1-1024x576.jpg

Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xidheenka – oo noqon doona warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa biyaha – uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda.

Hase yeeshee Masar ayaa ka cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn karo webigan oo 90% soo saara biyaha laga cabo dalkaas.

Xiisadda ayaa kasii dartay kadib markii Addis Ababa ay ka baaqatay wareegii ugu dambeeyey ee wada-hadallada ee 26-kii February lagu qabtay magaalada Washington, iyada oo sheegtay inay u baahan wada-tashi dheeri ah.

Kadib markii Itoobiya ayna ka qeyb-galin kulankii Washington, wasaaradda arrimaha dibdda Masar ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeedhay “maqnaanshaha aan cudurdaarka lahayn ee Itoobiya ee marxalad muhiim u ahayd wada-hadallada.”

“Masar waxay adeegsan doontaa wax kasta oo ay awooddo oo ay ku difaaceyso danta dadkeeda,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la rumeysan yahay in xiisaddan uu kula safan yahay Masar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this