Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo lagu daabulay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Maamul goboleedka Jubaland ayaa ciidamo horleh wuxuu ku daabulay xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya.

Sidda aan kasoo xiganay illo degaanka ah, askarta ayaa damacsan in ay barbar dagaalamaan kuwa wasiir Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa wadda abaabul dagaal oo ka dhan ah ciidamada ay Dowladda Soomaaliya ku daad-gureysa Gedo.

Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu waramayaa in ay ka jirto qaybo kamid ah gobolka, iyaddoo laga cabsi dagaal horleh.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadda cusub ay jidka u gashay Al-Shabaab intii ay kusii jeedeen sohdinta wadamada.

Lama ogga khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid ay ka jirto dhiilo coleedeed, wallow la doonayo in la qaboojiyo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this