Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Galmudug oo soo saaray amaro + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Taliska Ciidanka Booliiska maamulka Galmudug ayaa amar ka soo baxay lagu mamnuucay in hub aan aheyn kan laamaha amniga lagu dhex qaato Deegaanada hoostaga Magaaladda Dhuusamareeb.

Amarkaan oo la faray dhammaan laamaha amniga ayaa ciidamada u oggolanaaya in ay la wareegaan hubkii lagu qabto howlgalada, iyaddoo aan dib loogu celinaynin Dadka laga qaado , qofkii hub lagu qabto ayaa wajahaya isna xarig seddex bilood ah oo aan cafis laheyn sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Taliyaha Booliiska Qaybta Guud ee Galgaduud G/Sare Maxamuud Maxamed Jaamac , Taliyaha Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb Burhaan Axmed Roble , Guddoomiye ku xiggeenka Amniga iyo Siyaasadda Dhuusamareeb Abdi xaashi oo ay wehliyaan taliyeyaasha Degmooyinka Ku xeeran Caasimadda sida Taliyaasha Booliiska Xeraale iyo Balamballe ayaa kormeer amarkaan la xiriira iyo ogeysiin Ku soo marey Deegaanada , Mareergur, Shimbiraale, Tagaabeeye iyo Mirig, si loo dhaqan geliyo.

1c3cdfa2-335e-43c3-9b9d-a28c9bb70bda-300 6a122971-243d-42b1-b00a-f78a291397aa-300 61ff4a0f-bc02-4c8d-8634-a26f5991f3ac-300 3903a000-d98f-4267-8006-705cd9d1dd16-300

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this