Deeq A. Posted March 6, 2020 Beledwayne (SMN) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa fahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qorsheyaal iyo howlgalo ay bilaabayaan. Muxumed Cali Maxamuud, gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda magaalada Beledwayne, ayaa Shabelle u sharaxay. Isagoo tilmaamay in qorsheyaasha ay durba bilaabeen, Maxamuud ayaa rajeeyay in uu kusoo dhamaado guul. Wuxuu hoosta ka xariiqay in hadafka ugu weyn ee ay ka leeyihiin ay tahay siddii Al-Shabaab looga sifeyn lahaa gobolka. Shacabka ayuu ku waaniyey in ay kaalin muuqata ka cayaaraan dedaalada baaxada weyn leh oo ay waddaan. Gobolka Hiiraan oo hoostaga maamul goboleedka HirShabelle waxaa saameyn amni iyo mid dhaqaale ku leh xarakada Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites