Deeq A. Posted February 14, 2020 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay xaafada Haanta-dheer ee degmada Dayniile, gobolka Banaadir. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in falkaan ay ka dambeeyeen kooxo ku hubeysan bastoolado oo ka baxsaday meesha ay wax ka dhaceen. Ruuxa la toogtay ayaa la tilmaamay in uu ahaa sarkaal ka tirsan Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed. Sarkaalka oo darajadiisa lagu sheegay Gaashaanle Dhexe ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdulle. Illaa iyo haatan ma jirto cid dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas. Dilkaan ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaa falal noocaan ah oo caasimadda loogu geysto mas’uuliyiinta, wax-garadka iyo saraakiisha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites