Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Den iyo Taliyaha guud ee AFRICOM oo Boosaaso ku kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiska madaxtooyada Boosaaso ku qaabilay, Taliyaha guud ee ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tegay magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland iyo Taliyaha guud ee ciidanka Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo halkaasi kulan gaar ah ku yeeshay, ayaa ka wada-hadlay arrima ku saabsan dhanka Amniga iyo la-dagaallanka Argagixisada.

War ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni iyo Gen. Townsend, ay ka wada-hadleen Ammaanka guud, la-dagaallanka Argagixisada iyo wada-shaqeynta Puntland iyo Taliska Africom.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada,iyo wada shaqaynyta Taliska Africom iyo Dowladda Puntland” ayaa lagu yiri warkaasi.

1-25.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-18.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
5-11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-10.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 7-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Den iyo Taliyaha guud ee AFRICOM oo Boosaaso ku kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this