Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galay Shirweynaha ARLAC

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika oo ay soo qabanqaabisay ARLAC,kaas oo lagu qabtay Magaalada Kambala ee dalka Uganda.

Waxaa uu Wasiirka Shirkaasi ka sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kor u qaadday dadaallada Shaqada lagu abuurayo iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan dhowaan dhaqan galiney Nidaamka daryeelka Bulshada haddana waxaan ku jirnaa wajigii ugu horreeyay ee hirgelintiisa.” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Sadiiq ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah Wasiirada dhigiisa ah ee ka qyeb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galay Shirweynaha ARLAC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this