Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo shaacisay ‘qorshe laga lahaa dagaalkii maanta iyo cidda soo abaabushay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka goboleedka Jubaland ayaa ka war bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay qeybo ka tirsan magaalada.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalkaas ay soo abaabushay dowladda federaalka, balse ay fashiliyeen ciidanka amniga, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka warfaafinta Jubaland ayaa sheegay dowladda federaalka ay dagaalkaas soo abaabushay isla markaana ay ku khal khal gelinayso nabadgelyada magaalada Kismaayo oo ay maanta gaareen xubno ka socday dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayey safiirka u jooga Muqdisho Donald Yamamoto.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in xogta abaabulka dagaalkan ay horay u hayeen, isla markaana ay u diyaar garoobeen, sidaasna ay iskaga caabiyeen iyadoo aysan ka soo gaarin wax khasaare ah sida uu sheegay, sidoo kale ma sheegin wax khasaare ah oo dagaalkaas ay ku gaar siiyeen garabka taabacsan Cabdinaasir Seeraar.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa ku goodiyey in dulqaadkii uu maamulkiisu u hayey xubnaha mucaaradka ku ah uu dhamaaday, waxii hadda ka dambeeyana aan la isla sii joogi doonin magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay safarkii ay maanta Kismaayo ku tageen Taliyaha howlgalka AFRICOM Stephen Townsen iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto, waxuuna sheegay in arimaha ugu weyn ee laga wadahadlay ay ku saabsanaayeen dhanka ammaanka, si nabad ahna ay galabta Jubbaland uga laabteen.

Hoos ka Daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this