Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee Villa Somalia uga hadashay kulankii Farmaajo iyo Biixi?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15815267963134788.jpg?w=1000&ssl=Cabdinuur M. Axmed, Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya


Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay kulan ay shalay Addis Ababa ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somallilnad Muuse Biixi.

Bayaan kooban oo bartiisa Facebook-ga ku qoray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtootada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayuu ku sheegay in Farmaajo iyo Muuse Biixi ku kulmeen Addis Ababa.

Sidoo kale Agaasime Cabdinuur ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiya Ahmed martigalinta kulanka Farmaajo iyo Biixi.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, ma uusan sheegin, wixii looga hadlay kulnakii Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali marti-gelinta kulankii shalay” ayuu ku yiri qoraal, Cabdinuur.

Kulankii Addis Ababa ee Farmaajo iyo Biixi, wuxuu ahaa mid horey loo ogaaday, balse aan ilaa iyo hadda la garanayn wax looga hadlay.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo aan wax war ah siin Warbaahinta.

PUNTLAND POST

The post Sidee Villa Somalia uga hadashay kulankii Farmaajo iyo Biixi? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this