Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalilnad oo ka hadashay kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo warbaahinta oo anshax xumo sameysay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15815222632556061.jpg?w=1000&ssl=Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada magaalada Hargeysa.

Waxaa safarkii Muuse Biixi ee Addis Ababa warbaahinta ugu waramay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon, wuxuuna xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi ay ku kulmeen xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

“Markii uu dhammaaday shirka madaxda Midowga Afrika, madaxda ka qeybgashay oo dhan ayaa ismacasalaamaynayey, Madaxweyne Farmaajo halkaas ayuu yimi, sidaas ayeyna ku kulmeen labada Madaxweyne” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Wasiir Faratoon oo diyaar u ahaa in wax laga weydiiyo waxyaabihii ay ka wada hadleen Farmaajo iyo Muuse Biixi, ayaa warbaahinta Somaliland lumisay fursadaas, markii ay kala horarsadeen weydiimihii, sidaasna ay ku bilaamatay buuq iyo sawaxan dhexdooda ah oo soo afjaray shirkii jaraa’id.

Inkastoo kulanka Farmaajo iyo Biixi la xaqiijiyey, hadana ma jirto cid faahfaahisay kulankaas, oo garwadeen ka ahaa Abiy Ahmed.

PUNTLAND POST

The post Somalilnad oo ka hadashay kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo warbaahinta oo anshax xumo sameysay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this