Suldaanka

Buulo Xaawo oo lagu kala cararay

Recommended Posts

Haatu   

This was a decisive victory for the Somali Republic (the federal thing is a myth). Despite what the political spinners on here might assert, the Somali government has proved itself against the pseudo-independent states. Now it needs to prove itself in asymmetric warfare against Al Shabaab which is a whole different ball game.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   
2 hours ago, Suldaanka said:

@gooni

Ma waxa la gaadhay kolkii khiyaaliga la isku akhrin jiray? 

Awoowe, meesha waxa isku dilaaya waa awrkiraale Kikuuyo wadato iyo awr-kiraale kale oo Ethiopia wadato. 

Anigu waxaan odhan lahaa kan shaatiga dawladnimo ku adeegsanayaa ee jaajuuska Xabashida ah ayaa sii liita labadda. At least kan kale waa warlord cid uu matalaa ayaa iska yar aan ahayn dantiisa shakhsiga ah. 

 

Suldaan
Saaxiib waxaan rabaa inaan kuu sheego waxaad ogtahay oo munaafaqadu ku dhinac marinayso.

Farmaajo waxaa loo doortay madaxweynaha federaalka soomaaliya

Wadanka waxaa haystay 6 madaxweyne oo kala masaalix ah, mid walbana wauxuu isbuuciiba mar lasoo shiri jiray raysul-wasaarihii Ethiopia.

Adeer biixi baa ugu horeeyay wax Ethiopia u yeerto 3 sano ka dib asagana waad maqlaysay hadaladii farxadu ka keentay oo dadkoo dhan ka yaabisay.

Ninka dalka noocaas ah madaxweyne u noqday oo aan haysan dad soomaaliyeed oo is haysta iyo ciidan dhisan maxaa la gudboon?

Ma inuu sidii madaxdii ka horaysay hoos fiiriyo mise inuu wax un isku dayo?

Dhagayso walaal adigoo mahadsan Ethiopia iyo kenya labaduba dal iyo dad baa naga jira, waana mustaxiil inay ku gacan qabtaan markaad kufto.

Wakhtiga la joogo Ethiopia kamasoo hor-jeedo dawladda soomaaliya fara-gelintii badnaydna way ka daysay waa wax muuqda oo aan muran lahayn.

Waxaan rabaa inaan usoo dego   
Ciidanka soomaaliya lama dagaalami karo xag jir ayadoo madaxdoodii laguha lagu dhagan yahay, way ku khasban yihiin ciidanku inay madaxdoo dariishadda u furaan si ay naacaw iyo degenaan u helaan.

Dhuuso mareeb qabiil waxba waa ka tari waayay runtayna taabteen.

Balad xaawo sidoo kale, taas waxay muujinaysaa rajadii iigu fiicnayd oo aan arko 30 sano  waa aragtidayda.

Hubka farmaajo oo kaadida idinka dhameeyay baan kuu sheegi adiga iyo yaroo dibu-socodkaa waa shacabka soomaalida oo meel kasta jooga, oo ku daalay kala qoqob iyo nifaaqad beena oo aan horay u wadayn waligood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Dr.odweyne
Afsoomaaliga waa taqaan laakiin hanfadanimadu waa soo jireen waa hore yaan xantaas maqli jiray.

Shacabka soomaaliyeed oo aan ka hadlayo waxay joogaan oodweyne, hargaysa, burco, garoowe, aadan yabaal, bur-koosaar, wadaamo'goo ceel-juqow, qoryooley baraawe luuq buur-hakaba buuhoodle mandheera iwm.

Waxaa mideeyay (principle المبدأ) waxaana ka go'an inaysan dhagaysan been aan lasoo af meeri karin oo mar arkaan dal iyo dad midaysan.

Intaas maku sugi kartaa meel fiican oo aad ku xaajooto mise gaariga waa laguu istaajiyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
8 hours ago, gooni said:

Dhagayso walaal adigoo mahadsan Ethiopia iyo kenya labaduba dal iyo dad baa naga jira, waana mustaxiil inay ku gacan qabtaan markaad kufto.

Wakhtiga la joogo Ethiopia kamasoo hor-jeedo dawladda soomaaliya fara-gelintii badnaydna way ka daysay waa wax muuqda oo aan muran lahayn.

kkkkk kkkk

Awoowe, arinkaagu waa bakhtiga ma cunee fuudkiisa ayaa daldalshaa. Bal meel kala gee!!!

Horta mid aan isla ogolaano. Meesha dhiiga qubanaya, dhulka gubanaya, hooyadda qaxoontiga noqotay, caruurta gurigoodi lagu gubay, iyo kuwa qoryaha sitaa dhamaan waa Soomaali. Soomaali ayaa is dilaysa.

Waxba midna walaal ha iiga dhigin, midna gaal in lala dagaalamo haboon ha iigu khuukhin.  America filimaanta waa daawatay ayaan filayaa, waxa jira khidad la yidhaa 'Bad Cop' 'Good Cop' oo loo isticmaalo criminals si macluumaad looga helo ama ay u qirtaan danbiyo ay galeen. Soomaalida waxa lagu ciyaaraya isla khidadaa. Inta badan 30kii sano ee la soo dhaafay Bad Cop waxa matalaysay Ethiopia, halka Good Cop matalasay Kenya. 

Hada Kikuuyoada ayaa Bad Cop kuu matalaysa ahalka Ethiopia Good Cop.

Laakin waxba iskama badalin siyaasaddii iyo goal kii ay ka lahaayeen Somalida.

Taa horta si fiican biyo iskaga daa daaji. 

Haataan iyo xaal, meeshaas Buulo Xaawo iyo Gobolka Gedo waa Soomaali waxa is dilisay waxayna ku salaysantay oo guntu tahay waa arin Qabiil. 

 

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.