Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo baaq u diray DF iyo maamuladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowlada Mareykanka ayaa dowlada Soomaaliya iyo maamulada xubnaha ka ah ee dowlada goboleedyada ugu baaqday in ay dib u cusbooneysiiyaan dedaalada heshiis,si ay uga dhabeeyaan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya,si ay hormar badan uga sameeyaan dhinacyada dowlad wanaaga iyo amaanka oo Mareykanka uu sheegay in ay tahay waxa ay shacabka Soomaaliyeed xiligan u baahanyihiin.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in uu dhinaciisa xoojinayo dedaalada lagu dhex dhexaadinayo dowlada Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka,si looga gudbo caqabadaha ku hor gudban labada dhinac,sida amaanka,sidaa darteedna ay muhiim tahay wada hadal dhemxmara labada dhinac.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in ay diyaar u yahay in uu garwadeen ka noqdo heshiiska lagu dhex dhexaadinayo dowlada Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka,waxaana uu sheegay in xiligan aan loo baahneyn kala qob qobnaan madaxda ugu sareysa dalka ka dhex jirta,iyadoo dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah oo xili doorasho ay kusoo wajahantahay.

Si kastaba ha’ahaatee Mareykanka ayaa tilmaamay in heshiis ay wada gaaraan dowlada Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ee dowlad goboleedyada ay muhiim u tahay dedaalada loogu jiro nabadeynta Soomaaliya oo colaado sokeeye ay halakeeyen 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ugu danbeyn, Mareykanka ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ee dowlad goboleedyada in ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan horumarinta amaanka,si loo qabto doorashooyinka 202/2021,waxaana uu sidoo kale Mareykanka ku baaqay in dhamaan bahwadaagta siyaasadeed ee dalka loo baahanyahay in ay ka heshiiyaan mad madowga siyaasadeed ee ka dhex jira.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this