Sign in to follow this  
Deeq A.

Sucuudiga Cafiyay Lacag Uu Ku Lahaa Jaaliyadaha Dalal Ay Ku Jirto Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Jaaliyadaha shan dal ayaa dalka Sucuudiga waxaa uu ka cafiyay lacagtii lagaga qaadi jiray dal ku galka ama fisah dal ku jagalka kadib markii ay bixiin waayen iyadoo loo qabtay muddo 90 cisho ah in ay kaga baxaan dalka oo ka bilaabanaysa bisha February.

saxx-750x430-1.png

Shanta dowladdood ee jaaliyadoodan laga cafiyay daymaha ayaa waxaa ka mid ah Somaaliya, Itoobiya, Ereteriya ,Naajeeriya iyo Jaad iyadoo qunsuliyadaha guud ee wadamadaasi u fadhiyay magaalada jiddah ay si wada jir ah ay kulan ulaa qaateen madaxa xarunta shimees ee maamulka ajaanibka usaama abu milxa iyo madaxa.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka sacuudiga u qaabilsan xarunata shimess al sayid khaliil bin axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xaruntaasi ayaa islaa gorfeeyeen intii uu socday Sida loogu baahan yahay in looga faa’iideysto cafiska lacagaha ee ay ku yaboohaday dowladda Sucuudiga.

Masuuliyiinta maamulka xarunta shimees ayaa sheegay in ay ahmiyada balaadhan ugu jirto dhammaan jaaliyadaha dalalka laga cafiyay lacagta loona baahan yahay in loo fududeyo safarka dadka dib ugu labanaya dalalkooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this