Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay lagu eedeeyay inay aflagaadeysay diinta Islaamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweenay lagu eedeeyay inay aflagaadeysay diinta Islaamka

Mila waxay Islamka ku cambaareysay qoraal ay soo dhigtay barta InstagramMila waxay Islamka ku cambaareysay qoraal ay soo dhigtay barta Instagram

Gabadh da’yar ayaa dood kulul ka dhex dhalisay dalka faransiiska iyada oo lagu eedeeyay in ay aflagaadeysay diinta Islamka.

Gabadhan ayaa barteeda Instagram ku soo qortay in Islaamku yahay”Diin naceyb “.

Mila, oo 16 jir ah, ayaa qoraalkeeda soo dhigtay baraha Internet-ka ka dib markii qof Muslim ah uu fikir uu ku dhaliilayo dadka isku jinsiga ah ee is guursada uu bixiyay.

Gabadhan ayaa qoraalkasi ka dib waxaa loo jeediyay hanjabaado islamarkana tan iyo xilligaasi ma aysan aadin iskuulka.

Balse Mila ayaa diiday in ay ka noqoto mowqifkeeda.

Waxaa qoraalkaasi ka dib hawada laga saaray cinwaankii ay ku lahayd Instagram-ka.

Qoraalka gabadhan ayaa waxaa uu dalka Faransiiska ka dhaliyay dood ku saabsan xorriyatul qowlka.

Dalka Faransiiska ma laha sharci lagu ciqaabo qofka diimaha wax ka sheega islamarkana dastuurkooda waa mid ku dhisan cilmaaniyadda .

Booliiska Faransiiska ayaa markii hore furay labo baaritaan oo arrintan ku aadan.

Baaritaanka kowaad ayaa ahaa mid lagu baarayay in Mila ay gashay dambi ah naceyb, waxaana baaritaanka labaad uu ahaa dadka iyaga weerarka afka ah ugu geysteen dhanka baraha bulshada.

Boliiska Faransiiska ayaa waxa ay imika meesha ka saareen baartitaanka kowaad oo waxay sheegeen in ay Mila cabiraysay fikirkeeda ku aadan Diinta Islamarka aysana shaqsiyaad bartilmaameedsan.

Talaadadii ayaa wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Christophe Castaner waxaa uu baarlamanka dalkasi u sheegay in Mila iyo qoyskeeda ay ilaalinayaan booliiska.

Maxay tiri Mila?

Xilli ay wareysi siinaysay telefishinka TMC, ayay Mila waxay ka raaligalsay aflagaadada dadka diintooda “si nabad ah ugu dhaqma”.

Balse waxay dhanka kale difaacday hadalkeeda “Kama shalaaysani waxa aan iri, waxa ay ahayd fikirkeyga,” ayay u sheegtay qofkii wareysanayay.

Siduu murankan ku soo billaabmay?

Murankan ayaa billaabmay 18 January, ka dib markii Mila ay muuqaal dhigtay barta Instagram kaasi oo ay kaga hadlaysay jinsiyadeeda.

Balse qof Muslim ah oo ka soo dhiibanayay fikirkiisa ayaa Mili ku tilmaamay “in dadka isku jinsiga ah ee is guursada ay yihiin wasakh “.

Mila oo arrintan ka jawaabaysa ayaa weerar afka ah ku qaaday Islaamka iyo Kitaabka quraanka “waxaan nacay diinta, quraanka waa diin naceyb,” ayay ku tiri qoraalkeeda.

Balse qoraalkan ayaa waxaa ka carooday dad badan oo sheegay in ay aflagaadaysay Islaamka, waxaa sidoo kale gabadhan loo jeediyay hanjabaado ah in la dilayo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this