Deeq A. Posted February 4, 2020 Shirweyne u dhexeeya wasiirada maaliyadda wadamada dhaca geeska Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti. Soomaaliya waxaa shirkaasi oo diirada lagu saarayo arrimaha dhaqaalaha uga qeyb galaya wasiirka maaliyadda, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka oo ka warbixiyey muhiimada shirkaasi ayaa sheegay in looga hadlayo isku xirka dhaqaale dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Ereteriya, Kenya iyo Jabuuti. Beyle ayaa sidoo kale tilmaamay in fududeynta iyo qabsoomida shirkaan ay gacan ka geysteen Midowga Yurub, Bangiga horumarinta Africa iyo midka Aduunka. Sidoo kale waxaa furitaanka shirka lagu soo qaaday hirgelinta waddo dheer oo isku xireyso Asmarka iyo Nairobi , taas oo sii mareyso qeybo ka mid ah Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites