Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidanka Burundi oo lagu dilay qarax ka dhacay SH/DHEXE

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka aaso ayaa la sheegay in askar ka mid ah kuwa Burundi saacadihii la soo dhaafay lagula beegsaday deegaanka Buurane ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu soo gaaray ciidanka la qarxiyey.

Dhinaca Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda ayaa war ay ku baahisay Internet-ka ku sheegtay in miinadaasi ay ku dishay afar ka tirsanaa ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika, AMISOM ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka taliska guud ee AMISOM, iyo sidoo kale ciidanka Burundi ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan weerarkaasi.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro dhaba gal ah oo khasaare geysta ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this