Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigga AMISOM ee MARKA

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xoogan oo xalay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo uu xigay dagaal foolka fool ah ayaa ka dhacay saldhig ay ciidanka AMISOM ku leeyiin deegaanka Buufow Bacaad oo ku yaalla afaafka hore ee magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in weerarka uu ku bilowday madaafiic lagu garaacday saldhiggaasi, kadibna uu xigay dagaal toos ah.

Wararka aya sheegay in dagaalka oo socday muddo saacado ah uu ka dhashay khasaare kala duwan, balse aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa haatan degan, balse ciidanka AMISOM ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen deegaanka Buufow Bacaad oo ka tirsan magaalada Marka ee caasimada gobolka Shabeelaha ee koonfurta Soomaaliya.

Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weerarado gaadma ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this