Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Shiinaha oo iska kaashanayaa Xakamaynta coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda  Xukuumadda FederaalkaAxmed Ciise Cawad, oo Axaddii Shalay quraac sharafeed ugu sameeyay gurigiisa Muqdisho, Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Qin Jian, ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labadaa dal.

Sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay xafiiskiisa, Wasiir Cawad ayaa carabka ku adkeeyay in uu xiriir toos ah la leeyahay ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei ee dalka Shiinaha oo ah goobta uu cudurka dilaaga ah ee ‘coronavirus’ uu ku faafay.

Sidoo kale, Qoraalka waxa lagu sheegay in  Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ay la kaashan doontaa dowladda China iyo Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing, si loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si loo gaarsiiyo ardaydaasi waxa ay u baahan yihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa u xaqiijiyay Safiirka China in  dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo dadka China, islamarkaana ay  si adag ay uga shaqaynayaan xakamaynta faafitaanka ‘coronavirus’.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Shiinaha oo iska kaashanayaa Xakamaynta coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this