Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo diiwaan galinta ciidamada ka bilowday Ceelbuh, Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15806552054651347.jpg?w=1000&ssl=

Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ka waday diiwaan galinta casriga ah ee ciidamada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira masuuliyiinta Guddiga dib u habeynta ciidamada iyo xubno kale oo ka tirsan golayaasha dowladda ayaa maanta ka qayb-galay daah-furka diiwaan glinta ciidamada oo laga bilaabay magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag.

Guddiga dib u habeynta ciidamada ayaa saraakiisha iyo ciidamada xog- dheeraad ah ka siiyay faa’iidooyinka diiwaan galinta casriga ah ee ay wado dowladdu .

Xarumaha ciidamada ee Ceelbuh ayaa la geeyay kooxaha qaabilsan diiwaan galinta iyo caafimaadka ciidamada Puntland.

Madaxda ayaa booqday xeryaha ciidamada waxa ayna ciidamada u balan-qaadeen in ay heli doonaan mushaaar kooda iyo dhamaan wixii agab ah ee ay u baahan yihiin.

Puntland ayaa bilihii u dambeeyey waday diiwaanta casriga ah iyo tirikoobka ciidamada.

FB_IMG_15806562506441885.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15806553017041398.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15806562671154569.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15806553306447421.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15806567467072502.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15806551934756767.jpg?w=1000&ssl=

PINTLAND POST

The post Puntland oo diiwaan galinta ciidamada ka bilowday Ceelbuh, Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this