Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo ku amray Ciidamada Galmudug jooga in aysan Sheegan karin Federaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), oo xalay hadal ka jeediyay Gaalkacyo, ayaa si kulul uga hadlay doorashada maanta ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xaaf, ayaa sheegay in isaga si rasmiya madaxweyne loogu doortay 3-May-2017-kii, islamarkaana wakhtiga xil-hayntiisa u harsantahay mudda 15 bilood ah, isagoo xusay in haddii mudadaasi u dhammaato uu doorasho qaban doono.

Mar uu ka hadlayay doorashada Natiijadeeda la sii ogyahay, ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay maanta ka qabanayso magaalada Dhuusamareeb, ayuu sheegay in aysan waxba ka duwaneyn xafladdii Axmed Baasto ku dhigtay Cadaado ee isku doortay.

Sidoo kale, madaxweyne Xaaf ayaa dhammaan ciidamada kala duwan ee ku sugan Galmudug ku amray, in aysan sheegan Karin magaca heer Federaal, isagoo tilmaamay in dhammaantood ay yihiin ciidamo Galmudug, balse qaarkood ka mushahar-qaatan dowladda Federaalka.

Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Xaaf oo ku amray Ciidamada Galmudug jooga in aysan Sheegan karin Federaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this