Sign in to follow this  
Deeq A.

Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo mar kale dib u dhac ku yimid

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa mar kale shaacisay, in uu dib u dhacay ku yimid bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah, oo horay hay’addu u sheegtay in todobaad dib loo dhigay.

Qoraal ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, ayey  ku sheegtay in khamiista soo socota la billaabayo bixinta Baasaboorka, waxaana ay bulshada ka codsatay, in ay dulqaad ka muujiyaan dib u dhaca kooban.

Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda waxay ka xuntahey dib u dhaca mar kale ku yimid bixinta baasaboorka, waxayna ka codsanaysaa muwaadiniinta in ay dulqaataan mudada kooban ee howlaha farsamo lagu dhameystirayo.

PUNTLAND POST

The post Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo mar kale dib u dhac ku yimid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this