Sign in to follow this  
Deeq A.

Qalbi-dhagax oo diiday in uu Cafiyo Sanbalooshe

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan ururka ONLF ayaa ka jawaabay codsi dhawaan ka yimid Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ahaa in laga cafiyo doorkii uu ku lahaa dhiibistiisii.

Qalbi-Dhagax oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sanbaloolshe uu dhegaystay hadalkiisa balse uu u arko nin aan diyaar u aheyn ka garaabidda khaladkii uu ka galay sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Cabdikariin Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in cafiska uu ka dalbaday Sanbaloolshe uusan kaligiis go’aan ka gaari karin balse uu yahay khalad laga galay umadda Soomaaliyeed oo dhan.

Iima muuqan Sanbaloolshe dunuubtii uu iga galay inuu ka toobad keenayey, umadda Soomaaliyeed oo dhan ayuuna dembi ka galay. ONLF oo urur gobanimo doona ah oo ku halgamaya mabaadii’idii 600 oo sano ay umadda Soomaaliyeed ku halgameysay ayuu dembi ka galay shakhsiyanteyda dembi ayuu iga galay marka cafiskiisu ii gaar maaha intaas aan soo sheegay ayuu cafis ka sugayaa markii uu si dhab ah uga soo laabto khaladkiisa ayaan sugeynaa” ayuu yiri Qalbi-dhagax.  

Mar wax laga weydiiyey sida uu u arko in ONLF ay weli dowladda ugu diiwaan gashantahay urur argagixiso ayuu yiri Qalbi-Dhagax: Dowladdu ha iskaga adkeysato go’aankeeda iyadey u taalaa waana la arki doonaa ciddii xiriir la leh argagixiso, marka uma tilmaamayo dowladda waxii ay ka yeeli laheyd arintaas.

PUNTLAND POST

The post Qalbi-dhagax oo diiday in uu Cafiyo Sanbalooshe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this