Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidanka Burundi oo lagu dilay qarax ka dhacay gobolka SH/ DHEXE

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu oo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, xilli ay marayeen deegaanka Buurane ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xarakada Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, sida ay baahisay Idaacadda Andaluus.

Warka ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 2 askari oo ka mid ahaa ciidanka Burund, mid kalena lagu dhaawacay.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo haatan wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka taliska ciidamada AMISOM oo ku aadan qaraxaan iyo khasaaraha ka soo gaaray intaba.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula eegta deegaanada maamulka HirShabeelle, gaar ahaan marka ay isaga kala gooshayaan fariisimaha ay ku leeyihiin gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this