Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidanka DF oo qof rayid ah ku dilay Ex-Control

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda qof shacab ahaa ugu geystay isgoyska Ex-Control Afgooye ee M/Muqdisho.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Nacamleeye ka shaqeynayey baabuurta laga raro halkaasi.

Dilka kadib ayaa waxaa la sheegay in dad ka careysnaa falkaasi oo isugu jiray gaadiidleyda iyo ehellada marxuumka ay isugu soo baxeen halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in markii dambe ciidamada ammaanka ay rasaas ku kala dareeriyeen dadkaasi.

Mid ka mid ah goobjoogayaashii ku sugnaa halkaasi ayaa Idaacadda Shabelle uga warbixiyey sida ay wax u dhaceen.

Halkan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/ccc.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this