Sign in to follow this  
Deeq A.

B/Galmudug oo doortay gudoomiye ku xigeen 2aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah wuxuu si rasmi ah u doortay gudoomiye ku xigeen labaad.

Faadumo Cabdi Cali iyo Maxamed Sheekh Axmed Maalin ayaa ku tartamay xilkaan. Coddeynta waxaa ka qeybgashay 89 mudane.

Guddiga doorashadda ayaa ku dhawaaqay in Faadumo ay kusoo baxday xilkan kadib markii ay heshay 47 cod, Maalina uu helay 41 cod.

Maxamed Axmed Gacal ayaa loo doortay afhayeenka xeer-dejinta dowlad goboleedkan Soomaaliyeed.

C/llaahi Xirsi Maxamed ayaa noqday gudoomiye ku xigeenka 1aad markii uu 59 cod kaga badiyey Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim oo helay 29 cod.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this