Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Lagu Eedeeyay Inay Soo Ridey Diyaaradii Ukaraine Ee Ay Ku Dhinteen 176 Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Warbaahinta Maraykanka ayaa daabacay in diyaaradii ku dhacday meel ku dhow magaalada Tehran ayna ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa oo gaadhayay 176 qof ay si khaldan u soo rideen ciidamada Iran.

Ukraine-diyaro-696x464-1.jpg

Saraakiil Maraykan ah ayaa u sheegay CBS in ay rumeysan yihiin in diyaarada oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 uu ku dhacay gantaal.

Dowlada Ukraine ayaa hore u sheegtay in ay baadhayaan in gantaal uu soo ridey diyaaradan,balse xukuumada Iran ayaa diiday sheegashada.

Burburka diyaarada ayaa yimid saacado yar kadib markii dowlada Iran ay gantaalo ku ridey labo saldhig ay ciidamada Maraykanka ee dalka Ciraaq.

Taleefishinka CBS News ayaa ka soo xigtey sirdoon Maraykan ah in muuqaalo la arkay ay muujinayaan in walxo ka firidhay gantaal ay ku dhaceen diyaarada laga lahaa dalka Ukraine.

Wargeyska Newsweek ayaa waxa ay ka xigteen Pentagon iyo sirdoon sare oo Maraykan ah iyo weliba sirdoonka Ciraaq inay sheegeen inay aaminsan yihiin in diyaarada Ukraine ay soo ridey gantaalka lagu farsameeyo dalka Ruushka ee Tor.

Warkan ayaa soo shaac baxay iyadoo dowlada Iran ay sheegtay in ayna oggolaan doonin inay u dhiibto dowlada Maraykanka sanduuqa madow ee codka duuba ee ku rakibnaa diyaarada laga lahaa Ukraine.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this