Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Ay Ka Dhex Oogan Tahay Xiisad La Xidhiidha Jabhada FRUD Armé

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa tallaabo aan la aqbali karin ku qeexday go’aan jabhadda Cafarta dalkaas ee FRUD armé loogu ogolaaday inay xafiis ka furato gudaha dalka Itoobiya.

27beb60f-d970-40e6-9e5b-73dd5d98d16a

Taliyaha ciidamada Jabuuti Zakria Checik Ibrahim oo dhowaan la kulmay dhiggiisa Itoobiya Adem Mohammed ayaa waxa uu cabasho kaga muujiyey inuu maamulka Cafarta dalka Itoobiya ee ANRS uu jabhadda FRUD armé u ogolaaday inay xafiis ka furato halkaas.

Jabuuti ayaa rumeysan in qorshaha xafiiskaas uu yahay in lagu qoro dagaalyahanno Cafar Itoobiyaan ah oo jabhadda FRUD armé kala qeyb gala dagaal ka dhan ah dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Taliyaha ciidamada Itoobiya Adem Mohammed ayaa u sheegay dhiggiisa Jabuuti in ayna hayn wax xog ah oo ku saabsan furitaanka xafiiskaas, islamarkaana uu ku kalsoon yahay in hoggaanka Cafarta Itoobiya aysan sidaas sameeneyn.

Taa beddelkeeda, Jeneral Adem Mohammed ayaa ku eedeeyey ciidamada Jabuuti inay ka qeyb galeen dagaal dhex maray maleeshiyada Cafarta iyo Ciisaha, islamarkaana qaarkood ay qabteen maamulka Cafarta Itoobiya.

Mar la weydiiyey in haddii ay jiraan ciidamadaas uu usoo gacan geliyo Jabuuti, Jeneral Adem ayaa ka aamusay.

Dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka walaacsan in haddii Cafarta dalkiisa ay taageero ka helaan tan Itoobiya ay halis xooggan ku noqon karaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this