Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda maamuladda iyo DF oo shir la isugu yeeray

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku baaqay shir ay yeeshaan madaxda maamulada iyo dowladda federaalka.

Deni oo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaaladda Garowe ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel layska dhigo khilaafka shaqsiga ah.

Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayuu cod dheer ku qeexay in waqti xaadirkan ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo wada-hadalo.

Dhinaca kale, maamulkiisa ayuu sheegay in uu gebi ahaanba kasoo horjeedo sharciga doorashooyinka iyo batroolka.

Xeerarkan, oo muhiim u ah waddanka, ayaa waxaa dhowaan meelmariyey Xildhibaanadda labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka Puntland ee sharciyada

81544135_823937678019754_6368667438829010944_o.jpg?_nc_cat=102&_nc_oc=AQnTrQHuz6KnOdCz_gKAqI1NycWYvBitKC1SL5sco7bp0sY7C7pznGrA_vtv528Ckrs&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&_nc_tp=1&oh=d0f8c5b7311f94528c84c9f33362023b&oe=5EAFD11881721229_823937774686411_5328369507255713792_o.jpg?_nc_cat=110&_nc_oc=AQkgpMdLRhYGJ8oyLS1nY4d_26Hr1KhSeCI_VC5X6Iq-dqvfuMLlyOOc8E4K4qFef44&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&_nc_tp=1&oh=f9c38b07b261f1bbd86b3164d34d3532&oe=5EAF7B0A

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this