Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay  ku qaadeen saldhig milatari oo ku yaalla deegaanka Kulbiyow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Kenya oo deganaa saldhigaasi iyo raggii weerarka qaaday.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu socday muddo saacado ah, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Al-Shabaab oo ka hadashay duulaankaan ayaa guullo ka sheegatay, waxaan ay tilmaamtay inay khasaaro ku gaarsiisay ciidanka Kenya.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada huwanta ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen qeybo ka mid ah Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this