Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif Sheekh: Madaxda dowladda Soomaaliya qaar Al-Shabaab ayaa soo xulay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in aan la aqbali karin in si joogto ah loo xasuuqo Shacabka ku nool Muqdisho dowladdana aysan waxba ka qaban.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay abaabuli doonaan Shacabka Soomaaliyeed si looga hortaggo weerarada abaabul ee ka dhaca Muqdisho.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kunool Muqdisho in ay fadhiga ka kacaan si wax looga qabto Xasuuqa ka socda Muqdisho oo ay Qaraxyadu ugu horreeyaan.

“Madaxda ka shaqeysa magaalada Muqdisho qaarkood Al-Shabaab ayaa soo xula waan wada ognahay, dowlad kuma noqonkarno sidaan, ummadda Soomaaliyeed ha u istaagto” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho illaa hadda ma jirto cid si gaar ah u sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi.Shacabka Somaliyed ayaa waxa ay la kulmayaan dhibaatooyin amnidaro oo aysan jirin cid isku hawleysa amnigooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this