Sign in to follow this  
Deeq A.

Mursal oo booqday dhaawacyada qaraxii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa caawa booqday dhaawacyada dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye.

Gudoomiyaha oo ay la socdeen xubno katirsan xillibaanadda barlamaanka ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ku jira cispitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Maamulka cispitaalka Digfeer ayaa gudoomiyaha uga warbixiyay dhaawacyada la soo gaarsiiyay cispitaalka, tiradda dhimashada iyo inta dhaawaca ah, waxaana maamulka cispitaalka ay gudoomiyaha u sheegeen in berri subixii ay diyaarad gaar ah imaan doonto lana qaadi doono dhaawacyada culus ee aan Digfeer wax looga qaban karin ,

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa booqashada iyo warbixinta kadib u mahad celiyay maamulka iyo howl-wadeenada caafimaadka ee Digfeer sida ay isugu howleen caafimaad qabka dadka dhaawacyadu ay soo gaareen isagoona dhanka kale mas’uuliyiinta turkida ah kaga tacsiyadeeyay labo kamid ah muwaadininta u dhalatay dalka turkiga oo iyana ku dhintay qaraxa.

Image may contain: 4 people, people sleepingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 11 people, people smiling, people sitting, table and indoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this