Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimashada iyo dhawaaca Qaraxii Muqdisho oo kordhay iyo sida isbitaalada loogu qaybiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Onliine)- Waxay faah faahin ka soo baxaysaa sida isbitaalada Magaalada Muqdisho loogu kala qaaday dadkii maanta ku waxyeeloobay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Dhakhaatiirta caafimaadka ee ka hawlgasha Magaalada Muqdisho ayaa qaabilay dhibane-yaal la soo gaarsiiyay, iyagoona xilligan la tacaalaya dhaawacyadii la soo gaarsiiyay.

Dhibane-yaasha oo intooda badan la geeyay Isbitaalka Madiina ayaa waxay maamulku sheegeen in la soo gaarsiiyay meydadka 73 qof iyo dhaawacyada 52 kale,

Isbitaalka Digfeer ayaa la geeyay meydadka 3 qof iyo dhaawaca 35 kale, iyadoo isbitaalka Somali Sudanese la geeyay 1 qof oo meyd ah iyo 15 kale oo dhaawac ah, isbitaalka Kalkaal waxaa la gaarsiiyay 10 qof oo dhaawac ah, isbitaalka Shaafi ayaa la geeyay 8 dhaawac ah, halka Daaru Shifa la gaarsiiyay 6 dhaawac.

Tirada dhimashada ayaa ah 77 qof, halka dhaawacuna uu sii caga-cageynayo 126 qof.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in argagixisadu ay maanta xasuuqday dad aan waxba galabsan.

Dadka ugu badan ee khasaaraha soo gaaray waa arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir, waxaana tirada ardaydaas lagu sheegay illaa sodomeeyo ruux.

Sidoo kale waxaa dadka dhintay ku jira Engineero u dhashay dalka Turkiga iyo Ciidamo Boolis ah oo goob ku dhow Isgoyska uu qaraxa ka dhacay ku lahaa xarun canshuuraha lagu qaado.

Si kastaba ha ahaatee qaraxa ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa la qiyaasayaa inuu la mid noqon karo kii ka dhacay Isgoyska Zoobe, marka loo eego xajmiga qaraxa goobta uu ka dhacay oo ah mid mashquul badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this