Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlusunna oo ku gacan-sayray Shuruudaha guddiga doorashada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaanka Saree e Ahlusunna, ayaa  ku gacan-sayray shuruudaha uu guddiga doorashada Galmudug ku xiray xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug.

Hoggaanka Ahlusunn,a waxay sheegeen in shuruudaha guddiga doorashada Galmudug aysan khusayn qoondada 20-ka xildhibaan ee Ahlusunna laga siiyay Baarlamanka Galmudug, maadaama Ahlusunna aysan aqoonsaneyn guddigaasi matalaadna ku lahayn.

Ahlusunna ayaa sidoo kale sheegtay, in Heshiiskii ay la gashay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu garwadeenka ka ahaa Ra’iisul wasaare Khayre, ay sidiisi u fuliyeen dhankooda.

Sidoo kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay ixtiraamto Heshiiska labada dhinac wada-galeen, islamarkaana ay sidii loo dhigay u dhaqan-geliso.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Ahlusunna

1-30.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ahlusunna oo ku gacan-sayray Shuruudaha guddiga doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this