Sign in to follow this  
Deeq A.

Richard Otto Oo Loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Uganda Ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Uganda ayaa waxay taliye cusub usoo magacwday ciidankeeda ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Richard Otto ayaa xilkan loo magacaabay, wuxuuna xilka kala wareegay Michael Kabango oo muddo sanad ah shaqeynayey.

Otto oo hadlay ayaa u mahadceliyey saraakiisha isaga ka sarreysay ee ka shaqeysay in loo magacaabo taliyaha ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya, isaga oo sheegay in si hufan uu shaqadiisa u gudan doono.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Uganda, Peter Elwelu ayaa isna dhankiisa sheegay in taliyahan cusub uu yahay nin khibrad badan u leh dagaalka ka socda Soomaaliya ee lagula jiro Al-shabaab.

Uganda ayaa ciidamo badan waxay ka joogaan Soomaaliya, waxaana ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this