Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo daah-furay shir ay qeyb ka tahay dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay shirka wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shalay gaaray magaaladaasi iyo wasiirada maaliyadda ee dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii loo hagaajin lahaa nidaamka maaliyadda maamul goboleedyada dalka, taasi oo qeyb ka ah shuruudaha deyn-cafinta Soomaaliya.

Ugu horreyn khudbad uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka jeediyey shirkaan ayaa waxaa kaga hadlay arrimo la xariira maaliyadda dalka iyo muhiimada deyn cafinta.

Shirkaan ayaa noqonaya mid kii horreeyey oo noociisa lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo, tan markii dib loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wax xiriir ah la lahayn Jubbaland, iyada oo Madaxweyne Farmaajo uusan aqoonsaneyn Axmed Madoobe.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa rajeyneysa in bisha Febraayo ee 2020-ka laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxaana si taas ay u dhacdo qasab ah inay arrimaha maaliyadda ka wada-shaqeeyaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this