Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni “Siyaasiyiin ayaa ka dambeeya colaada Mudug”

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni oo kulan gaar ah magaalada Garoowe kula qaadanayey odayaasha dhaqanka maamulkaasi ayaa tilmaamay in markasta oo doorasho ay soo dhowdahay ay dhacaan dagaallo, sida uu sheegay la siyaasadeynayo.

Deni ayaa soo hadal qaaday dagaal dhowaan beelo walaalo ah ku dhexmaray deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee bariga gobolka Mudug, halkaas oo ay ku dhinteen dad fara badan, wuxuuna sheegay in colaadaasi ay lug ku lahaayeen siyaasiyiin leh dano gaar ah.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in Somalliland ay qeyb ka tahay dhibaatada heysata dalka, maadaama ay dooneyso sida uu sheegay in ay la goosato gobollo ka mid ah Somaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ccc.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this