Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka arrimaha Maaliyadda oo ka furmaya Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka arrimaha Maaliyadda oo u dhaxeeya Wasaaradaha Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shalay gaaray magaalada Kismaayo oo ka hadlay ahmiyadda shirkaan uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in shirkan uu qeyb yahay shirarka ay soo qaban qaabiso Wasaaradda Maaliyadda ee looga hadlayo horumarinta daqliga Soomaaliya.

“Wasiir Cabdirashiid Shire Wasiirka Maaliyadda Jubbaland, Wasiirada kale ee ka socda dowlad goboleedyada, runtii sharaf weyn ayay noo tahay imarkale in aan halkan ku qabsano shirarkii caadiga ahaa ee aan qabsan jirnay, aad baan ugu faraxsanahay jawiga magaalada”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Wasiir Beyle ayaa bulshada ku nool Jubbada Hoose ugu baaqay inay ka faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku maneystay Gobolka, isla markaana ay hirgeliyaan mashaariic horumarineed oo wax loogu qabanayo shacabka Jubbooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this