Sign in to follow this  
BOB

Aan Ooyee Albaabka Ii Xidha.

Recommended Posts

BOB   

Chocolate & Honey...here it's my sister.

 

 

1958kii ayaa magaalada Hargeysa waxaa soo booqday nin Ingiriis ah oo la odhan jiray "Duke of Gloucester".

 

Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan sarkaalkaa Ingiriiska ah.

 

Hal abuurka, Maxamed Ismaaciil Baasarce "Balaayo-Cas" ama loo yaqaan "Barkhad Cas" isagoo diidan in ninkaas la soo dhaweeyo, sheegayana xumaanta

uu Gumaysigu leeyahay , wuxuu yidhi:

 

 

AWOWGAY NINKII INDHAHA TIRAy

NINKII AABAHAY ADOONSADAY

NINKII ANIGANA I IIBSADAY

NINKII IFKA IGU ADOONSADAY

ITAAL LI'I BAA ISHAA I BIDEE

HADAAN OGOHOONAN KA AARSAN KARAYN

HADAANAN AADANOOW UNUUNKA JARAYN

NINKAA ARAGIISA UURKAAN KA NECBEE

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.

 

ISAGOO ENGLAND JOOGA BUU I DILOO

USHUU SOO FIDIYAA I IIMAYSOO

WAA TAARAMIDU OOFA TIRTEE

ASAAG LI'I BAA ISHAA I BIDEE

NINKAA ARAGIISA UURKAAN KA NECBEE

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.

 

ARLADII KA SAMROO ADUUN MA HAYEE

HADII LA ILAASHAY AFKAYGII

HADAANAN IKHTIYAAR AQOONTAY HADLAYN

HADAANAN ERAY QUDHA SHIRKAAS ODHANAYN

NINKAA ARAGIISA UURKAAN KA NECBEE

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.

 

WIXII ARINEEN ILAAHAY JECLAYN

AAYAADKA QUR'AAN WADA ARAGTOO

UDGOONE INA YIDHI INDHAHA KA QARSHEE

NINKAA ARAGIISA UURKAAN KA NECBEE

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.

 

UGAADHA NINKII DHAQEE URURSHAA

RUUXII EEGAYAA ADDUUN KA BAXSHEE

RAGIINII OGAA HORUU U ARKEE

NINKII OORIDIISA U GEYNAAYOOW

IN KEEG IYO SHAAL AYUU KU ARKINE

IIMOOWDEE AXANKAAGA WAYNEE.

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.

 

LIBAAXA ANNAYIYO ABAARSO KA CIYEY

ABUURIIN LO'DA JOOGTA BAA URISOO

OODAY JABISAA INTAY KA DHACDOO

AMSAXUU KA GURAA IDAYLKEED

WAKAA INGIRIISKII IIDA HAYEE

IDINA U DABAALDEGOO ADHIYOHOW

ORDAYOO MAGACANA KA IIBSADA.

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.

 

 

The simple reason why this gabay happens to be my ultimate Somali poem is that it shows how far we've fallen from grace in the 51 years since after this gabay was first recited and it also shows how brave, loyal, dignified and honourable most of our poets were and compare that to the present clowns who for a mere $100 will mention a lowlife warlord in the same breath with our fallen heroes and forefathers and lastly compare Soomaalidii hore rag iyo dumarba to the the sort of 'men' we've left with today who keep on whoring us to the lowest bidder...it hurts, it really does...doesn't it?

 

 

PS. C&H...You're Welcome. smile.gif

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
hodman   

simply outstanding especially this line resonates with me when thinking about the current situation of our ppl

HADAAN OGOHOONAN KA AARSAN KARAYN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this