Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad drone ah oo ku dhacday gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (SMN) – Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa ku dhacday degaanka Biyo-neef ee dhaca duleedka degmada Buula Burde, gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ammaanka gobolkaas hoostaga maamul goboleedka HirShabelle ayaa shaaca ka qaadey in ay baaritaan ku wadaan qaabka ay kusoo dhacday iyo cidda iska leh.

Taliska ciidamadda AMISOM iyo midka Xoogga Soomaaliyeed ayaa tegay meesha ay diyaaradda kusoo dhacday oo ah dhul beeraley ah oo miyiga ku yaala.

Inta badan ciidamadda Mareykanka ayaa adeegsada diyaaradaha drones-ka, waxaana ay ku fuliyaan weerarada dhanka cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this