Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgal dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Ciidamadda ammaanka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgalo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyeen Boosaaso.

Howlgaladda laga sameeyay xarunta gobolka Bari ayaa ka dambeeyay markii dabley ay xalay weerartay sarkaal ka tirsan ciidamadda nabad-gelyada.

Sarkaalka ayaa la sheegay in la beegsaday isaga oo ka tukaameysanaya bartamaha magaaladda isla markaana uu ka badbaadey isku daygaas.

Wararka ayaa sheegaya in ruux Itoobiyaan ah kana soo jeeda qowmiyadda Oromadda uu ku naf-waayey rasaasta ay tuureen kooxaha hubeysan.

Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayey falalka liddiga ku ah amniga, waxaana mas’uuliyiinta ay shaaca ka qaadeen in ay la tacaalayaa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this